Saturday, September 13

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan diirada saaraysa la dagaallanka wararka been abuurka ah ee buux dhaafiyey baraha bulshada.

Arrintaas iyadoo laga duulayo, waxaa Muqdisho ka socda kulamo joogto ah oo looga arrinsanayo, sidii meesha looga saari lahaa wararkaasi kutiri kuteenka ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo maanta ka qeyb galay kulan, ay ka soo qeyb galeen hay’adaha warfaafinta dalka, ayaa dalbaday in la iska kaashado, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cirib tirka wararka been abuurka ah.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe, oo kulankaasi ka hadlay, ayaa isna hoosta ka xariiqay, in wararka been abuurka ah ay fududeeyaan in la marin habaabiyo bulshada.

Shalay ayey ahayd, markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu si adag uga hadlay, wararka been abuurka ah ee la faafiyo baraha bulshada, isagoo u digay dadka ku howlan arrimahaasi.

Exit mobile version