Monday, September 15

(Hortabi Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta madaxa bannaan ee dalka ka codsatay in ay ku taageerto dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, ee ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Dowladda waxey sheegtay in aan loo kala harin gulufkaasi, waxeyna warbaahinta ka codsatay in ay sare u qaadaan baahinta guulaha ay ciidamada dowladdu gaarayaan.

Dowladda ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay la shaqeeyaan dowladda isla markaana ay is garab taagaan ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ah.

Dowladda ayaa xustay in kooxdan ay dhibaato badan ku heyso bulshada, iyagoo cod dheer ku dalbaday in loo midoobo gulufka ka dhanka ah argagixisada.

Culuma’udiinka Soomaaliyeed ayey geesta kale dowladdu ugu baaqday in ay door shariif ah ka qaataan dagaalka lagu cirib tirayo Al Shabaab, maaddaama ay ku ganbanayaan afkaar diimeed.

Dowladda Soomaaliya codsigeeda durba qaar badan oo ka mid ah warbaahinta dalka ayaa fuliyey, kuwaas oo si joogta ah u baahiya fariimo wacyi galin iyo gubaabo isugu jira oo ay u dirayaan ciidamada dowladda.

Exit mobile version