Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo kuwajahan Aqoonsiga maamul ee deegaanada SSC-Khaatumo.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Feb, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dawladda Federaalka.
Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo, tani waxay soo afjaraysaa doodihii socday.
Dhawaan markii uu safar ku yimid Magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatuma Cabduqaadir Firdhiye, isla markaana dowladda Soomaaliya u aqaoonsatay Maamulka KMG ah ayaa waxaa arrintaasi aad uga carooday Xildhibaannada Golaha Sacabka ee kasoo jeeda Somaliland.