Saturday, September 13

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar xalay lagu qaaday Hotelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ku billawday qaraxyo, ayaa socday ku dhawaad 8 saacadood, kadib markii dabley hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka, kuwaas oo saacadahaasi ka dhex dagaallamayey.

Ciidamada amniga ayaa shaaciyey, in la toogtay dhamaan raggii weerarka soo qaday oo tiradoodu lagu sheegay 5-ruux.

Ilaa iyo iminka lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay faah faahin ka bixiso, waxyaabaha fududeeyey weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarkii xalay ayaa ku soo aaday, xilli mudooyinkii ugu danbeeysay uu soo hagaagayey amniga Muqdisho, oo loo xil saaray ciidamo gaar ah, oo lagu soo tababaray dalka Ugandha.

Exit mobile version