Monday, September 15

(Hortabin Media) – Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo qubarada ku xeel dheer arrimaha amniga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay la timaado qorshe dagaal, kaas oo waxyeelada ka ilaalinaya dadka rayidka ah.

Aqoonayhanadan ayaa dowladda uga digay duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al Shabaab, iyagoo xusay in goobahaasi ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dowladda ayey ugu baaqeen in ka hor inta aanay duqeyn fulin ay diyaariso xogta goobta ay duqeyneyso, isla markaana ay hubiso dadka ku sugan goobahaasi.

Hadalka Qubarada ku xeel dheer arrimaha amniga ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan dowladdu ay shaacisay in ay duqeyn ka fulin doonto meelaha ay maamullaan Al Shabaab, iyadoo dhowr duqeyn ka geysatay degamada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay wax ku noqdeen dad rayid ah oo ay ku jireen caruur.

Exit mobile version