Ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay in ay gudaha u galaan dhulka howdka ah ee ku teedsan deegaanka Ciid Ciidka ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Al Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa hawdkan kula wareegay dagaal maalmo qaatay, kaas oo ay la galeen Al Shabaab.
Hawdka lala wareegay ayey Al Shabaab ka soo qaadi jireen weerarada, deegaanadii kal hore laga qabsaday ee Hirshabelle ka tirsan.
Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey guulo ka soo hoynayeu dagaalka ay kala soo horjeedaan Al Shabaab.