Saturday, September 13

Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Maxamed Xasan Maxamed ayaa maanta la kulmay hogaamiyaha maamulka Awdal State Professor Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo dhawaan soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiir ku-xigeenka caafimaadka XFS oo ugu horeyn uga mahadceliyey hogaamiyaha Awdal State booqashadiisa caasimadda, ayaa intaas kadib  ka xog-wareystay arrimo ku saabsan halgan ay isaga iyo dadkiisu ku difaacayaan qadiyadda Badda iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca guracan ee Ethiopia.

Hogaamiyaha Awdal State iyo mas’uuliyiintan heer Federaal ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta nidaam u sameynta deegaanada maamulka cusub ee Awdal State iyo sidii ay DFS uga garab siin laheyd waxkasta oo sii xoojinaya midnimada ay u istaageen dadkaasi xili Dalka lagu soo duulay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaantay madaxda iyo shacabka reer Awdal State sida ay iskaga diideen in dhaxalka caruurtooda loogu wareejiyo Ethiopia islamarkaana ay uga hor yimaadeen heshiis beeneedkii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi la galay Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Hogaamiyaha Awdal State Professor Nageeye oo dhawaan xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Muqdisho ayaa sidoo kale la kulmayey maalmahaan Xildhibaanada, Wasiiradda, iyo bulshadda kasoo jeeda Awdal State ee ku sugan magaalada Muqdisho,  isagoo kala hadlay sidii ay ugu wada istaagi lahaayeen dhismaha maamulkooda iyo difaaca baddooda.

Ugu danbeyntii Hogaamiyaha maamulka Awdal State Professor Cabdisamad Ibraahim Nageeye ayaa la filayaa inta uu Muqdisho ku sugan yahay in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Qaranka, isagoo kala hadli doona sidii ay u aqoonsan lahayd DFS Maamulkiisa cusub baadama ay xiligani muhiim tahay in deegaankaasi iyo dadka kasoo jeedaba lagu garab istaago halganka ay ku diidan yihiin damaca Ethiopia ee badda iyo dhulka Soomaaliyeed.

Exit mobile version