Sunday, September 14

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Agaasimaha Guud ee Ururka ILO guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka soo dhoweynta uu u fidiyey wafdiga saddex-geesoodka ah (Dowladda, Wakiilada Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyaha).

Ururka Shaqaalaha Caalamiga ee ILO ayaa howl baaxad leh ka wada gudaha Soomaaliya, wuxuuna dowladda ku adkeeyaa dhowrista xuquuqda Shaqaalaha rayidka, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan wehel u noqday sanadihii ugu danbeeyey.

Exit mobile version