Monday, November 10

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo ku aaddan colaado iyo beegsi ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo dhowaan ka dhacay qaybo ka mid ah dalka.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay, ayay ku caddeysay inay si adag u xun tahay colaadaha iyo falalka dhiig daashada badan sababay ka socda dalka, kuwaas oo khasaare naf iyo maalba leh horseeday, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka iyo beegsiga shacabka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay farayso hay’adaha amniga in si degdeg ah ay tallaabo uga qaadaan cid kasta oo ka dambeysa falalka foosha xun ee horseedaya iska horkeenka bulshada, iyadoo la doonayo in lagu soo celiyo kala dambeynta iyo wada noolaanshaha shacabka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay baaq u dirtay Dowlad Goboleedyada, iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo waxgaradka deegaanada colaadaha ay ka jiraan, inay ka shaqeeyaan daminta iyo joojinta colaadaha, ayna ku dadaalaan sidii xasilooni waarta iyo nabad joogto ah loo heli lahaa.

Baaqan ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay gobollada dalka qaarkood lagu diley hooyooyin iyo carruur yar yar, sidoo kalena dad nolosha lagu gubey.

Exit mobile version