Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigan dalbaneysa in gargaar lala gaaro dadka ku sugan deegaanada dhawaan galka ah ee laga xoreeyey kooxda Al Shabaab.
Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo dhawaan xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Iskuduwaha Arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya, Mr. George Conway, ayaa waxa uu xog sugan ka siiyey xaaladda ka taagan goobaha laga saaray Al Shabaab.
Wasiirka ayaa George Conway ka dalbaday in UNSOM ay kaalin ka geysato sidii loo dabooli lahaa baahiyaha bani’aadminimo ee ay tabanayaan dadka goobaahasi ku nool.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo la xiriira kor-u-qaadista iskaashiga, adeegyada cadaaladda, kuwaas oo muhiim u ah hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.