Sunday, September 14
Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey xoogga saartay sidii ay ula xisaab tami lahayd dhallinyarada isticmaala Baraha Bulshada, iyadoo qaar badana xabsiga u taxaabtay.

Booliska oo dhallinyaradan badankood soo qabtay ayaa ku eedeeyey anshax xumo iyo kicin dadweyne, iyagoo adeegsanaya Baraha Bulshada.

Booliska ayaa sheegay in dhallinyaradan ay marinayaan sharciga, isla markaana lagu ridayo xukuno kala duwan, waxana kal hore qaarkood loogu riday xukuno xabsi ah oo bilooyin ah.

Qofkii ugu danbeeyey ee ay boolisku xiraan toddobaadkan waxey ahayd Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan), waxaana boolisku ay gabadhan ku eedeeyeen fal anshax darro ah.

Booliska ayaa hore ugu digay dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada, iyadoo sheegtay in cidii sharciga u hoggaansami weysa oo ku kacda falal anshaxa lidi ku ah, in ay xabsiga u taxaabeyso.

Exit mobile version