Tan iyo ku dhaawiqidii Madaxweynaha wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab, waxa ay dowladdu koobtay doorkii ay lahaayeen ciidamada beelaha ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Dowladda ayaa ciidamada Macawiisleyda ku wargalisay in aanay qaadin wax dagaal ah, iyadoo aan la isku daba ridin qorshayaasha hortabinta u leh in gulufkaasi laga miro dhaliyo.
Marka laga soo tago saraakiisha dowladda, waxaa qorshaha dagaalkan dajinaya dowladdo shisheeye oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Turkiga, kuwaas oo darsaya xaaladda meelaha dagaalka lagu qaadayo iyo goobaha dib loo dhigayo.
Arrintan ayaa keentay in ay hoos u dhacdo kaalintiii muuqatay ee ay ciidamada beelaha ku lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana qorshahan uu siyaadiyey weerarada rogaal celiska ah ee ka imaanaya kooxda.
Ciidamada beelaha ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee billaabay dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kadib dhibaatooyin xooggan oo ay kala kulmaan.
Macawiisleyda oo ahaa xoolo dhaqato, ayaa caqabad adag ka dhaxlay 15-kii sano ee ugu danbeysay Al Shabaab, waxaana si joogta ah looga qaadayey xoolahooda, iyadoo ubadkoodana laga dhigayey dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.