Saturday, September 13

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, waxaa xalay howlgal laga fuliyey gobolka Jubada Hoose, waxaana halkaasi lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al Shabaab.

Ragga Al Shabaab ka tirsan, ayaa xiligii la weerarayey lahaa shir, waxaana kuwo la dilay ku jiray labo horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

labadan nin ee la toogtan nin ka mid ah ayaa ku magacawnaa  madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka kan kalana uu ahaa ku xigeenkiisa.

Waxaa sidoo kale weerarkan lagu khaarijiyey in ka badan 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab, balse kooxdu weli kama hadlin arrintaasi.

Xubnaha AL Shabaab ee la dilay, ayaa sida ay dowladdu sheegtay qorsheynayey in ay weeraraan deegaanka Baarsanguuni, oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Jubaland.

Exit mobile version