Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya dalalka Soomaaliya taageera, ayaa howlgal dhanka cirka ka fuliyey, deegaanka Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, halka lagu dhawaacay kuwo kale, oo aan iyagana tiradooda la xaqiijin.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, howlgalkan ayaa lagu bur buriyey fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen Jilib.
Jilib waa magaalo istaraatiiji ah, waxaana ay qeyb ka tahay goobaha muhiimka u ah Al Shabaab ee ay sida weyn ugu xooggan yiniin.
WQ: Ayaanle Qoyste.