Dowladda Soomaaliya ayaa cod dheer ku sheegtay in ay heshay hub culus iyo diyaarado ka caawiya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Warkan waxaa warbaahinta u sheegay la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Xuseen Sheekh, kaas oo hoosta ka xariiqay in hubkan ay u adeegsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Arrintan ayaa ku timid sida uu sheegay cuno qabateynta hubka ee laga qafiifiyey Soomaaliya, taas oo sida uu sheegay kaalin ka geysaneysa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaabi doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo sida uu sheegay looga xoreyn doono deegaano badan.