Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa gargaar kala duwan la gaartay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay xaalad adag ka taagneyd todobaadyadii ugu danbeeyey.

Shacabka degmada Jalalaqsi ayaa ku sugnaa xaalad cakiran, waxaana ay walaac ka muujinayeen saameynta ay ku yeelatay fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle.

Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga Shabeelle

Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland,  waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan la mid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore ay u dirtay Magaalada Mahadaay.

Exit mobile version