Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigan qaban qaabo ugu jirta sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Dowladda ayaa sida la shaaciyey qaadaneysa ciidamo cusub oo boolis ah, kuwaas oo sida la sheegay ilaalin doono goobaha ay ATMIS faarujinayaan

Ciidamada la qaadanayo ee booliska ah oo ay tiradoodu gaareyso Afartan kun, ayaa waxaa 20-kun oo ka mid ah loo qeybin doonaa maamul goboleedyada dalka, iyadoo lagula xisaabtami doono.

RW Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad arrintan lagu shaacinayey ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay askar nadiif ah, kuwaas oo dalkooda iyo dadkooda hiil u noqon kara waqtigan adag.

Xamse Cabdi Barre ayaa kula dardaarmay maamullada in ay iska hubiyaan kartida askarta ay qorayaan, ka hor inta aanay liisaskooda u soo gubin dowladda dhexe, oo iyada xoogga saareysa tababaridooda.

Exit mobile version