Monday, September 15

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib u qabsaday degmada Ruun-nirgood, oo ay kal hore isaga baxeen, kadib weeraro joogto ah oo Al Shabaab uga yimid.

Ciidamada ayaa degmada ku qabsaday dagaal saacado kooban socday, waxaana goobta isaga cararay Al Shabaabkii ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada qabtay Ruun-nirgood ayaa wacad ku maray in aanay ka bixi doonin degmadaasi, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan baacsiga ay argagixisada ku hayaan.

Ciidamada dowladda waxaa qabsashada degmada ka caawiyey ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo sida la sheegay looga tagi doono deegaanada la qabtay, halka ciidamada dowladda ay hore u dhaqaaqi doonaan.

Exit mobile version