Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalacsiisay ciidamo lahaa darajooyin kala duwan, kuwaas oo Al Shabaab ku jabiyey dagaal ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa axadii soo weeraray degmada Awdheegle, waxey halkaasi kala kulmeen jab xooggan, waxaana laga dilay maleeshiyo aad u fara badan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo gaaray Awdheegle, ayaa bogaadiyey dadaalka naf hurnimada leh ee ay ciidamadu muujiyeen.

Saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga oo uu wehlinayey Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Ibraahim Sheekh Muxidiin ayaa dalacsiiyey ciidamadii ku sugnaa saldhigii ay Al Shabaab soo weerareen.

Ciidamadan ayaa la dalacsiiyey min labbo darajo, taas oo u noqon karta dhiira-gelin, ka caawineysa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version