Tan iyo intii amniga Muqdisho lagu wareejiyey ciidamada lagu soo tababaray Ugandha, waxaa kordhayey dadaalka ay Dowladdu ugu jirto ciribtirka waxyaabaha maanka dooriya.
Dowladda ayaa albaabada isugu dhufatay tiro hoteelo ah, oo teetsanaa xeebta Muqdisho, kuwaas oo si joogta ah loogu isticmaali jiray waxyaabaha maanka dooriya.
Waxaa sidoo kale la bur buriyey xarumo lagu iibin jiray noocyada kala duwan ee waxyaabaha maanka dooriya, waxaana xabsiga loo taxaabay ragii ka ganacsanayey.
Arrintaan ayaa wax badan ka tartay amniga Caasimada, halka ciidamadu ay weli wadaan howl gallada ay ku baacsanaysan kuwa maandooriyaha ka ganacsada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in Dowladda ay dagaal kula jirto waxyaabaha maanka dooriya noocyadiisa kala duwan, taas oo uu xusay in muddo kooban kadib ay ka lib keeni doonaan ciribtirkeeda.