Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo boolis ah loo diray deegaanadii ay dhawaan ku dagaallameen labada beelood ee walaalaha ah.

Ciidamadan oo ah boolis, gaar ahaan kuwo loo yaqaan daraawiishta, ayaa fariisimo ka dhigtay goobihii ay dhawaan isku laayeen beelaha walaalaha ah.

Dagaalkii dhex maray beelahan, ayaa noqday mid argagax ku abuura guud ahaan bulshada, waxaana colaadooda ay gaartay in ay aqalada iska gubaan.

Dagaalkii cuslaa ee beelahan dhex maray, ayaa sidoo kale qabsaday baraha bulshada, waxaana la soo wariyey kiisas kufsi ah, oo loo geystay hablo u ka soo kala jeeda labada beelood ee ay diritu dhex martay.

Inta badan beelaha Soomaalida ayaa isku dagaalla dhul daaqsimeed iyo waxyaabo la hal-maalla, waxaana dirirtooda ka dhalata khasaare aad u ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

WQ: Axmed Cabaas

Exit mobile version