Saturday, September 13

Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Qatar, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa shir ay uga hadlayaan amniga Soomaaliya ku yeeshay Washington.

Dowladahan oo Soomaaliya ka taageera dhanka amaanka ayaa ka dhawaajiyey muhiimada uu ku fadhiyo amniga Soomaaliya iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in masuuliyad la iska saaro.

Dalalkan ayaa mar kale taageero u muujiyey Soomaaliya, iyagoo qiray jiritaanka madax banaanida Soomaaliya, taas oo sida ay sheegeen duulaan ay ku tahay Itoobiya.

Wadamadan ayaa bogaadiyey doorta Turkiga iyo dadaalka uu ka wado geeska Afrika, waxeyna si gaar ah ugu amaaneyn shirarkii uu isugu keenay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay waqtigan xiisad ba’an ka dhaxeyso.

Shirkan midka xiga ayey dhinacyadu isku raaceen in lagu qabto Muqdisho, si loola fal galo xaaladaha amni ee ka jirta Soomaaliya.

Exit mobile version