Thursday, September 11

Dhallinyarada aqoonyahanada ayaa is weydiinaya inta uu la egyahay doorka siyaasadeed ee ay dhallintu ku leedahay siyaasada dalka Soomaaliya.

Dhallinyaradan ayaa ku kala aragti duwan doodan, waxaana qaarkood ay aaminsan yihiin in dhallinyaro badan ay xilligan ka dhex muuqdaan arrimaha siyaasadda, kuwaas oo qaarkood haya xilal kala duwan.

Qeyb ka mid ah dhallinyarada ayaa iyaguna aaminsan, in ay kooban yihiin tirada dhalinyarada ku jirta siyaasada, marka la fiiryo tirada ay shacabka Soomaaliyeed ka yihiin oo ah 70%.

Caqabadaha ugu culus ee hoos u dhigay dhallinyarada siyaasadda ku jirta ayaa waxaa qeyb ka ah dhaqaalaha kooban ee gacanta ugu jira, oo ah mid aan lagu qancin karin odayaal dhaqameedka, oo iyagu ah dadka majaraha u haya siyaasadda dalka.

Doorashooyin qof iyo cod ah, oo dalka ka hirgala ayaa sare u qaadi kara doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin arrimaha siyaasada, waana arrin mira dhalkeedu uu waqti badan qaadanayo.

Exit mobile version