Thursday, September 11

Waqtigan doorka aad u wanaagsan ayey dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan Curinta isbadalo siyaasadeed oo dalka ka dhaca, iyagoo kaalin muuqata ku yeelan kara rajada ku salaysan in dalka ay mar uun ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aynu ogsoonahay dhallinyada oo ah cudud muuqata qayb ahaana bulshada ka ah boqolkiiba %75 ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay xubno badan oo iyaga ka mid ah waxa ay ka dhex muuqdaan saaxada siyaasada waxanay Nasiib u yeesheen in ay ka qeyb ka noqdaan Golayaasha kala duwan ee dowlada dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada, iyagoo sidoo kalana ay jirto in ay saamayn Weyn ku leeyihii Qeybaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo guud hay,adaha kale aan dowliga ahayn.

Cabdi weli ayaa ka warbixiyay kaalinta ay qayb ahaan dhallinyaradu maanta ku leeyihiin howlaha ku wajahan dibu dhiska iyo soo kabashada siyaasadeed ee dalka, oo uu ku qeexay mid aad u kooban.

Aqoonyahanada qaar ayaa qaba in dhallinyarad nasiibka u heshay inay siyasada ku soo biiraan Aanay ku imin Afkaar dhallinyrada u danaynaysa balse ay ku soo baxeen siyaabo kale waxaana dhanka kale jirta in waqtiyadii dambe doorashooyin ka dhacay maamulada qaar ay dhallintu fursad wanaagsan ka heleen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ah dadka ugu badan ee ay saamaysay dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii xukuumadii dhaxe ee Soomaaliya, waxaase xiligan ma la joogaa Waqtigii ay meel iska dhigi lahaayeen arrimaha la xiriira qabyaalada iyo nin jeclaysiga oo ay usoo jeesan lahaayeen in ay midoobaan oo ay ka shaqeeyaan horumarka iyo dib u dhiska dalka Sida uu sheegay Dr. Shaafici Shariif Maxamed oo ah Gudoomiyaha Ururka Cilmi Baarayaasha Soomaaliyeed.

Inkastoo ay jiraan Maamullo ka soo horjeeda, Hadana Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo dowladiisu waxa ay mudooyinkan u ololaynayaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah taas oo fursad weyn u ah dhallinyarada.

Exit mobile version