Monday, September 15

Qeybo badan oo ka mid ah gudaha dalka waxaa ka socda guluf ballaaran oo looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo uu kal hore ku dhawaaqay Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah bulshada oo aragtidooda ka dhiibtay gulufkan looga soo horjeedo Al Shabaab, ayaa tilmaamay in ay meesha ka maqan tahay doorkii culumada.

Shacabkan ayaa ku baaqay in culumada ay u istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isla markaana ay wacyi galiyaan bulshada, maaddaama iyaga la dhageysanayo.

Waxaa kale oo shacabku sheegayaan in culumada ay door weyn ka qaadan karto dagaalkan, sababo la xiriira afkaarta Al Shabaab ay ka dhaadhiciyeen dhallinayarada u dagaalanta taas oo salka ku heysa diinta Islaamka.

Exit mobile version