Saturday, September 13

Deggaanno badan oo ka tirsan Puntland waxaa ka qabsoontay doorashada golaha deegaanka, taas oo ah mid qof iyo cod ah.

Doorashada Puntland waxaa ku tartamaya 7 urur siyaasadeed, waxaana codkooda dhiibanaya dad gaaraya 400 kun oo qof.

Doorashadan gollaha deegaanka ee qof iyo codka ah, ee ka qabsoontay Puntland, ayaa ah midii ugu horreysay ee uu ku dhaqaaqo maamul xubin ka ah dowladda fedraalka Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed ayaa taageeray doorashadan qof iyo codka ah, iyagoo Puntland ugu hambalyeeyey taaba gelinta hannaankan qof iyo codka ah.


Ilaa maanta waxaa dhanka kale jira siyaasiyiin ka tirsan Puntland oo ka soo horjeeda doorashada qabsoontay, kuwaas oo xiisad ka abuuray Magaalada Garoowe.

Exit mobile version