Saddex maalmood ka dib doorashadii madaxtinimada Kenya ee qabsoontay 9-kii bishan ayaan weli jirin musharrax helay aqlabiyadda saxda ah ee looga baahan yahay inuu ku guuleysto jagada ugu sarreysa ee dalka.
Natiijooyinka ku meel gaarka ah ee ay soo ururiyeen warbaahinta maxaliga ah ee Nation Media Group, Citizen Television iyo Standard Media Group ayaa muujinaya in madaxweyne ku xigeenka William Ruto ama ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga midkood uu gaari karo 50% + iyadoo labada musharax uu midkood marba hogaanka ku qabanayo farqi aan sidaas u weyneyn.
Wargeysyada ayaa sheegaya in tirada guud ee codadka ee la dhiibtay ay gaareyso 13 milyan oo cod. Dadka u soo baxay doorashada ayaa lagu qiyaasay 65% 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah.
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudada ayaa sheegay in aysan ku dhawaaqi doonin natiijada ilaa ay ka xaqiijinayaan tirinta codadka oo dhan.
Marka laga soo tago in musharaxa uu helo in ka badan kala bar codadka saxda ah ee la dhiibtay, musharaxa waa in uu weli helaa ugu yaraan 25% taageerada kala bar 47-da gobol ee Kenya, haddii taasi dhici weysana waa in doorasho cusub lagu qabtaa 30 maalmood gudahood.
Dhanka kale, dad badan ayaa walaac weyn ka muujiyay sida jiitanka leh ee tirinta codadka wado. Hase yeeshee, madaxa Guddiga Doorashada Kenya oo ka jaawabayay arinkaas ayaa maanta mar uu warbaahinta la hadlayay qirtay in tirinta natiijadii doorashada madaxtinimo ay si tartiib ah u socoto wuxuuna carabka ku dhuftay in ay doonayaan in natiijo sugan lagu dhawaaqo.
Kormeerayaasha caalamiga ah oo ay ku jiraan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ku bogaadiyay guddiga doorasha habraaca doorashada marka loo eego doorashooyinkii hore.
