Tan iyo markii uu isbeddelka maamul ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed, islamarkaana uu xilka banneeyay Madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen, waxaa si degdeg ah u billowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan oo ay hormuud ka tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Dowladda ayaa u muuqata inay doonayso isbeddelkaas uga faa’iidaysato hirgelinta doorashooyinka qofka iyo codka ah, kuwaas oo si weyn uga duwan nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban islamarkaana meesha ka saaraya hannaankii awood qeybsiga ee 4.5.
Tallaabada ugu horreysa ee la qaaday ayaa ahayd magacaabista hoggaan ku-meel-gaar ah oo maamula Koonfur Galbeed inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka, islamarkaana loo diyaargaroobayo qabsashada doorashada.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin isugu jirta taageero iyo walaac, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ay u arkaan fursad dib-u-habeyn, halka kuwo kalena ay ka cabsi qabaan in geeddi-socodkani uu noqdo mid aan loo dhammayn oo jahawareer awood qeybsi keeni kara.
Doorashada ay Dowladda Federaalka ka qabanauso Koonfur Galbeed ayaa tijaabo muhiim ah u noqan doonta midda maamulka kale iyo DFS ee xukuumadda haatan jirtaahi ay dedaal xooggan gelinayso.
Haddii ay hirgasho doorashada Koonfur Galbeed, waxay albaab u furi kartaa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo laga sameeyo dhammaan dowlad-goboleedyada iyo heer federaalba.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha jira ma yara, Arrimaha amniga, diyaarinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyo kalsoonida siyaasadeed ee u dhexeysa saamileyda ayaa dhammaantood saameyn ku yeelan kara suurta-galnimada doorasho noocan ah.
Su’aasha ugu weyn ee taagan ayaa’se ah: ma ka dhici kartaa doorasho qof iyo cod ahi Koonfur Galbeed? Jawaabtu waxay ku xirnaan doontaa dhowr arrimood oo isbiirsaday. Haddii amniga la sugo, hay’adaha doorashada la dhiso, isla markaana la helo kalsooni siyaasadeed oo buuxda, waxaa suuragal ah in tijaabadu guulaysato.
Hase yeeshee, haddii khilaafaad siyaasadeed ama arrimo farsamo ay soo baxaan, waxaa dhici karta dib u dhac ama fashil midkood uu yimaado.
Dhanka kale, ka guurista nidaamka 4.5 waxay yeelan kartaa saameyn ballaaran. Nidaamkan oo muddo dheer lagu dhisay xasilinta siyaasadda dalka ayaa weli saldhig u ah isu dheellitirka beelaha.
Haddii si degdeg ah looga guuro iyada oo aan la helin hannaan cusub oo lagu qanco, waxaa iman kara xiisado siyaasadeed iyo dareen ah in awood qeybsiga uu noqdo mid aan caddaalad ahayn.
Si kastaba, taageerayaasha isbeddelka ayaa ku doodaya in nidaamka qof iyo cod uu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla markaana uu meesha ka saarayo ku tiirsanaanta nidaamka qabiilka.
Si kastaba ha ahaatee Koonfur Galbeed waxay maanta taagan tahay meel xasaasi ah oo go’aamin karta jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii doorashada qof iyo codka ah ay ka hirgasho, waxay noqon kartaa tallaabo taariikhi ah oo lagu beddelayo nidaamka siyaasadeed ee dalka, Haddii ay fashilanto’se, waxay dib u riixi kartaa rajada isbeddelka, isla markaana waxay sii adkayn kartaa ama caqabad culus ku noqan kartaa hirgelinta doorashooyin qof iyo codka ah.

