Garsoore ku sugan Dimishiq ayaa faahfaahin ka bixiyay dacwadaha ka dhanka ah Atef Najib, oo ah Bashar Asad ina-adeerkii, horena u ahaa sarkaal sare oo amniga iyo sirdoonka, maxkamadeyntii ugu horreysay ee mas’uuliyiinta xilligii Asad.
Madaxweynihii hore Assad, walaalkiis Maher iyo dhowr sarkaal oo kale oo sare ayaa wajahaya maxkamad iyagoo maqan. Kuwaas oo u baxsaday dalka Ruushka markii dowladdii hore ee Suuriya ay dhacday bishii Diseembar 2024.
Najib, oo ahaa madaxii hore ee amniga siyaasadda ee gobolka koonfurta Suuriya ee Daraa, halkaas oo dibadbaxyo nabdoon ay ka dhaceen 2011, waa xubintii ugu sarreysay ee dowladdii hore ee wajahaya maxkamad. Maxkamadaynta Kiiskan ayaa la furay bishii hore.
Axmed al-Sharaa madaxweynaha ku meel gaar ah ee Suuriya ayaa dadaal ugu jira qorshaha uu sheegay in cadaalad loogu raadinayo dadkii dhibaatada kasoo gaartay xukuumadii hore, isagoo xooga saaraya xiriirkiisa bulshada caalamka iyo inuu ka gorgortamo joojinta cunaqabataynta.
