Friday, September 12

Afar xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada Kenya, IEBC, ayaa ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada doorashada ka hor yimid natiijada doorashada.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Juliana Cherera ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay hotelka Serena iyadoo ay garab taagan yihiin saddex xubnood kale oo ka tirsan guddiga ayaa tiri “Ma qaadan karno lahaanshaha natiijooyinka lagu dhawaaqi doono ee hab-dhaqanka mugdiga leh ee wajigii ugu dambeeyay loo maareeyay”.

Francis Wanderi, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya oo shirka jaraa’id ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka ayaa dhankooda ku andacooday in natiijada wejigii ugu dambeeyay ay ku timid qaab mugdi ah iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Guddiga doorashada dalka Kenya ee IEBC ayaa waxa uu ka kooban tahay todoba xubnood oo uu hogaaminayo Wafula Chebukati oo si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada iyo guusha William Ruto.

Inkastoo aqlabiyad ahaan ay badan yihiin xubnaha kasoo horjeestay natiijada hadana lama oga tallaabooyinka ee ay qaadi doonaan.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version