Saturday, September 13

Hal qof ayaa dhintay mid kalana waa la la’yahay, kaddib marki dooni ay la socdeen 7 qof ay ku rogmatay meel u dhaxeysa tuulooyinka Cumar Isman iyo Galleefo oo ka wada tirsan deegaannada Balcaano ee bariga magaalada Jowhar.

Deegaannada Balcaano oo ka kooban in ka badan 70 tuulo, ayaa muddo laba sanno ah go’doon ugu jirta fataahaado uu sameeyay wabiga Shabelle. Dadka deegaannadaasi ayaa isugu kala goosho doonyo yar yar oo ganacsi.

Ehelada qofka la la’yahay ayaa muujinaya walaac aad u fara badan, iyadoo ilaa iyo iminka aan war iyo wacaal laga helin xaaladiisa dhimasho iyo nolol.

Webiga Shabeelle Fataahada uu sameeyo ayaa saameyn ballaaran sanadihii ugu danbeeyey ku heysay shacabka degan labada Shabeelle, kuwaas oo u badan beeraleey, waxaana badankood ay barakac ku joogaan Duleedka Muqdisho, sababo la xiriira fatahaada oo soo noq noqota.

Exit mobile version