Sunday, September 14

Waxaa Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose lagu la’yahay Doon kaluumeysi iyo dadkii saarnaa, kuwaas oo howlo kalluumeysi ah dhawaan aaday, balse aysan dib u soo laaban, iyada oo ehelladooda ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysatada Gobolka Jubbada Hoose  Cabdiraxmaan Maxamed Faarax ayaa sheegay in la la’yahay Saddex qof oo doonta saarnaa, kuwaas oo hadda baadi-goobooda ay kujiraan.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeeysaiga Jubbaland Cabdullaahi Cali Faarax ayaa uga digay dhammaan kaluumeysatada iyo Ganacsatada ka Shaqeysata Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose in ay ka digtoonadaan dabeylaha xoogan ee kajira xeebaha, kuwaas oo hakad geliyay doomaha kalluumeysi iyo Shixnadaha Ganacsi.

Dhowr jeer ayaa waxaa xeebaha Gobolka Jubbada Hoose ku geeriyooday kalluumeysato dhowr ah kadib markii ay la qalibmeyn doomihii ay saarnaayeen halka kuwo kale la soo badbaadiyay.

Exit mobile version