Saturday, September 13

Xubnaha labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay si toos ah u guda galay howshooda ku aadan ka doodista wax ka baddelka dastuurka, oo muddo dheer la sugayey, waxaana xildhibaanada labada aqal loo qeybiyey jadwalka shaqo ee ka doodista arrimaha dastuurka, iyadoo lagu billbaabayo 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka.

Gudoomiyaha gollaha shacabka Sheekh aadan Maxamed nuur aaden madoobe, oo shir gudoominayey kulanka maanta ayaa ugu horeyn xidhibaanada u soo jeediyey warbixin horudhac ah oo ku aadan muhiimada ay leedahay ka doodista dastuurka iyo waajibaadka saaran labada aqal ee Barlamanka.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guulleed oo ka tirsan golaha shacabka ayaa barlamanka ka hor sheegay in aanay is lahayn qodobada ku qoran jadwalka lagu shaqeynayo iyo waqtiga ay hesytaan xildhibaanadu, waxaana uu gudoonka ka codsaday in la shaqeeyo saacado dheeri ah si ay meel mar u noqoto in ay xildhibnaadu aragtidooda soo gudbiyaan.

Ugu danbeyntii Xoghayaha guddiga la socodka dastuurka Senator Siciid Cowke ayaa mudanayaasha labada aqal u sharxay qaabka uu noqonayo jadwalka ay ku shaqeynayaan inta la guda jiro ka doodista cutubyada uu ka kooban yahay.

Fadhiga labada aqal ee Barlamanka ayaa maanta waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka iyo gudoomiyihii hore ee barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo aqoon dheer u leh arrimaha dastuurka dalka, kuwaas oo goobjoog ka noqon doono hannaanka ay u socdaan howlaha ka doodista dastuurka.

Exit mobile version