Gigada diyaaradaha ee Muqdisho waxaa maanta ku soo dhacday diyaarad siday dad rakaab ah, kadib cilad ku timid diyaarada.
Diyaaradan oo siday rakaab isugu jiray Soomaali iyo ajaanib ayaa dhacday markii ay dagi rabtay, lamana shaacin cilada ku timid.
Ilaa hadda ma jiro khasaare dhimasho oo soo gaaray rakaabkii saarnaa diyaarada, waxaase muuqaallo laga soo qaaday garoonka ay muujinayeen dad dhaawac ah oo la soo badbaadinayo.
Warar aan lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in diyaaradan uu saarnaa Madaxweynihii hore ee Puntland, horena usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Cali Gaas.