Thursday, September 11

Ruushka ayaa qal qal ku abuurtay Ukrine iyo xulufadeeda reer galbeedka, kadib soo bandhigidoodi hub casri ah, kaa oo bidhaamiyey sida ruushka ay ugu diyaar garowday dagaalka Ukraine iyo kuwa garabka siinaya.

Xaaladda ayaa noqotay mid walaac abuurtay kadib Isticmaalka Ruushka ee gantaalka cusub ee Orishingi, kaa oo cabsi hor leh ku keenay Mareykanka iyo NATO, hubkan cusub ayaa noqon kara mid meesha ka saara awoodii Nato ee taageerrada Ukraine.

Gantaalkan ayaa ah mid heybarasonic ah oo xawaare sare leh mana jirto difaac la hubo ilaa iyo iminka oo ka hortagi kara,waxaana sida laa amisan yahay gantaalkan uu saameyn istaraatiijayeed ku keeni karaa dagaalka iminka socdo, taa oo ah arrinta walbahaarka ku riday Ukrine iyo xulufadeeda.

Gantaalkan ayaa ah mid ku duuli kara xawaare ka badan 7-kun oo mile saacadii oo u dhiganta in 11-kun oo mitir uu jari karo saacadii, taas oo ka dheereysa wax ka qabashada nidaamyada difaaca ee Ukriane iyo xulufadeeda reer galbeedka.

Sidoo kale Ruushka ayaa fajac ku abuuray Ukraine iyo xulafadeeda, waxaana uu soo bandhigay hub ay Ukraine ka argagaxday, wasaaradda difaaca Ruushka ayaa shaacisay in la howlgalinayo doomo dheereeya oo iyagu is wada kuwaa oo ay ku xiranyihiin qaraxyo si dhammeystiran u burburinaya maraakiibta iyo dekedaha, sidoo kale waa kuwo awood u leh inay quusaan waxaana tallaabadana lagu micneeyey inay halis ku keenayso dekedaha Ukraine iyo maraakiibta saadka u daabula.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ciidankiisa uu ka qaaday dhammaan xannibaadii ka saarnayd adeegsiga gantaallada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer , kaddib markii Ukraine ay jabisay xeerarkii adeegsiga hubka wax burburiya— waxay hadda ciidanka Ruushka xor u yihiin inay adeegsadaan noocyada gantaallada , kuwaasoo burbur weyn dhalin kara, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi.

Ku dhawaaqistan, ayaa daahqaadaysa in waji cusub uu gali doono dagaalka Ukraine sida la ogyahay Ruushka wax ka badan hal mar ma adeegsan gantaaladiisa wax bur buriya muddada ku dhow afarta sanno ee dagaalka socda ,waxana in waqtigan ciidanka Ruushka loo oggolaaday adeegsiga gantaallada , ay bilow u tahay isbeddelka dagaalka iyo bur bur xooggan oo ku habsada goobaha istaraatijiga ah ee Ukraine.

Madaxweynihii hore ee Ruushka , Dmitry Medvedev oo hadda ah ku-xigeenka guddiga amniga qaranka Ruushka , ayaa hadal digniin ah u diray isbahaysiga NATO, isagoo yiri ; “ Ciidanka Ruushka waxaa laga qaaday xaddidaadii ka saarnayd gantaallada , taasina waxey ka dhalatay falalka cadowga, sidaa awgeed kuwa naga soo horjeedo ha u diyaar garoobaan . Tallaabooyin dheeraad ah.

Geesta kale Sirdoonka Ruushka ayaa muujinaya feejignaan dheeri ah, saacadihii la soo dhaafay Hay’adda sirdoonka Ruushka ee FSB , ayaa soo bandhigtay howlgal ay fashiliyeen oo ay Ukraine ku doonaysay in lagu dilo madaxa shirkad ka shaqeysa arrimaha difaaca oo ku sugan gobolka Belgorod. Dilkan waxaa loo adeegsaday inuu fuliyo muwaadin u dhashay Ruushka oo lacag ku qaadanayay, iyadoo xiriirka uu la lahaa sirdoonka Ukraine uu ka socday barta Telegram-ka, balse isla markii uu ku socday halka uu dilka ka fulin lahaa waxaa gacanta ku dhigay sirdoonka Ruushka oo ka war helay isku daygan dil, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT.

Sidoo kale Sirdoonka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday howlgal sirdoon oo Ingiriisku diyaarinayo oo la doonayo inay fuliso Ukraine, si loo burburiyo dhaqaalaha Ruushka.

Moscow, waxay shaacisay in tallaabooyinka ay iskudayayaan reer galbeelka ay dunidda u horseedayso burbur dhaqaale oo meel walba gaara, Ruushkana uusan faraha ka laaban doonin.

Ergayga gaarka ah ee wada-xaajoodyada iyo arrimaha bariga dhexe ee Mareykanka , Steve Witkoff ayaa dhawaan gaaray magaalada Moscow ee xarunta Ruushka , si uu wadahadallo ula yeesho mas’uuliyiinta Ruushka , kaddib bur burka hareeyey xiriirka labada dhinac.

Intii uu moscowa joogay Ruushka, ayaa sidoo kale ku dhaqaaqay tallaabo kale oo dharbaxo ku ah Mareykanka ,— waxayna diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay garaaceen xarun kayd u ah agabka milatari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine oo ku taalla koonfurta dalkaa, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda tamarta ee Ukraine.

Diyaargarow uu ruushku muujinaya ayaa Mareykanka ku qasbay inuu la fariisto Ruushka, waxaana saacadihii la soo dhaafay uu Putin, oggolaaday in kulan fool-ka-fool ah ay yeeshaan isaga iyo trump, kaa oo noqonaya midkii u horreyay, tan iyo markii dagaalka Ukraine uu billowday.

La-taliyaha aqalka Ruushka ee Kremlin-ka, Yuri Ushakov ayaa u sheegay warbaahinta ; “ Markii ay Mareykanka soo jeediyeen kulanka, waxaa la gaaray is-afgarad hordhac ah si shir labada dhinac ah loo qabto maalmaha soo socda….Hadda waxaan la shaqeynaynaa Mareykanka si aan u diyaarinno faahfaahinta kulanka. Toddobaadka soo socda ayaa loo asteeyay inuu noqdo xilliga uu dhacayo, waxaa kaloo dib laga sheegi doonaa goobta uu ka dhacayo.”

Sida ruushku xaqiijiyeen kulanka waxaa ka shaqeeyey ergayga Trump ee bariga dhexe , Steven Witkoff oo labo casho ka hor booqday Moscow Sidoo kale Putin, oo wax laga waydiiyay halka uu ka dhacayo kulanka uu la yeelanayo Trump, ayaa sheegay in dalal badan oo saaxiibbada Ruushka ah ay u diyaarsanyihiin in kulankaa ay martigeliyaan, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka dhici karo Imaaraadka maaddaama toddobaadkan madaxweynaha Imaaraadka , Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu booqasho rasmi ah ku tagay Moscow ,kaas oo dalbaday inuu kulanka marti galiyo. Putin ayaa dhinaca kale sheegay inay macqul noqon karto inuu la kulmo Zelensky — haddii la helo xaaladdo gaar ah oo la diyaariyo.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in ay xaaladda qaboojin karto, waa haddii la isku afgarto, balse markasta diyaargarow uu muujinayo ruushka ayaa saadaalin karta xaalad halis ah.

Exit mobile version