(Hortabin Media) – Ururada u doodda xuquuqda saxafiyiinta ayaa wal wal ballaaran ka muujinaya dagaalka Gaza, kaas oo waqtigan ay kordheyso tirada saxafiyiinta lagu dilay.
Kuwii ugu danbeeyey ayaa axadii lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay Israa’iil, waxaana saxafiyiintaasi ay kala ahaayeen Xamse Daduux iyo weriye kale oo madax bannaan oo lagu magacaabo Mustafa Tarooya oo u shaqeynayey wakaaladda wararka faransiiska.
Tirada Weriyayaasha la dilay ayaa gaareysa 79 saxafi, kuwaas oo 72- ka mid ah ay ahaayeen Falastiiniyiin, waxana 4 saxafi ay ka soo jeedeen Israa’iil, halka 3-da kalana ay dhalasho ahaan ahaayen wadanka Lubnan.
Qaramada Midoobay ayaa arrinta walaac ba’an ka muujisay, wuxuuna gollahu sheegay in arrintan ay tahay mid aan la aqbali karin, oo u baahan baaritaan.
Gollaha ayaa tilmaamay in weriyayaashu ay u bareerayaan halis, si ay xog sugan u gaarsiiyaan bulshada caalamka, waxaase arrin aan loo dulqaadan karin ay ku tilmaameen duqeymaha aan loo meel dayin ee Israa’iil.
Ururada difaaca xuquuqda saxafiyiinta ayaa arrintan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo shaqada saxaafiyiinta, taas oo sida ay ka dhawaajiyaan ah arrin murugo leh.
Safaarada Israa’iil ayaa ka gaabsatay in ay arrintan ka jawaabto balse Afhayeen u hadlay Israa’iil kal hore ayaa sheegay in aanay si ula kac ah ciidankooda u beegsanin saxafiyiinta.