Sunday, September 14

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa kordhaya dilalka ay isku geysanayaan ciidamada ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, taas oo noqotay arrin aad loola fajaco.

Askarta ayaa isku khilaafta arrimo milgo ahaan aan micno badan lahayn, waxaana la yaab ah in ay nolosha is dhaafiyaan kadib markii ay rasaas nool nool isku adeegsadaan.

Falalka noocan oo kala ah ayaa cabsi galinaya bulshada, kuwaas oo dhaayaha ka qaadaya ciidamada oo siyaabo gurucan u adeegsanaya hubka dowladda.

Dhacdadii ugu danbeysay ayaa shalay ka dhacday degmada Wadajir, halkaas oo lagu dilay, Daahir Cabdi Axmed, oo ahaa 45-jir ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya.

Dilkiisa waxaa fuliyey eedeysane Moowliid Maxamuud Axmed, kaas oo isna ka tirsanaa ciidamada dowladda, isla markaana ay ka wada tirsanaayeen marxuumka hal urur.

Eedeysanahan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowladda, isagoo doonaya inuu baxsado, waxaana sida boolisku sheegeen uu ka soo muuqan doonaa hay’adaha cadaaladda.

Exit mobile version