Monday, September 15

Waxaa gudaha dalka weli ka taagan dilalka ay ciidamada dowladda u geysanayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa shalay oo ugu danbeysay dilay qof nin rayid ah, kaas oo ahaa darawal mootooyinka loo yaqaan Fekonta.

Dilka darawalkan oo ka dhacay Afgooye, ayaa waxaa ka dhashay, dibadbax ay dhigeen dadka rayidka, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeday falka dilka uu ku kacay askariga.

Dhacdooyinkan in aan loo dulqaadan karin waxaa hore u sheegtay Maxkamada ciidamadda qalabka sidda, balse waxey u muuqdaan kuwo aan dhaqan galin.

Exit mobile version