Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay dilal la xiriira aano qabiil, taasi oo dadka deegaanka ay ka waalacsan inay keeni karto in mar kale ay soo laabtaan dagaalo beeleedyo la mid ah kuwii halkaas dhacay bishii July.
Ayada oo xal laga gaaray dagaal beeleedyadii hore, ayaa hadda mar kale ay aad u kacsan tahay xiisadda magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Cabsi fara badan ayey waqtigan wajahayaan dadka rayidka, waxaana qaarkood ay sheegayaan in ay doonayaan in ay barakacaan, maddaama xaaladda amni ay noqoneyso mid faraha ka sii baxeysa.
Sanadihii ugu danbeeyey gayiga Soomaaliya waxaa ku soo badanayey dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, mana jirto ilaa iyo iminka cid masuuliyad rasmi ah iska saartay wax ka qabashada arintan.