Waxaa maanta dil toogasho ah lagu fuliyey Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dilay Wiil la dhashay Cabdullaahi Cali Huday oo ah Taliyaha Booliska degmada Guriceel.
Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah, waxaana soo buux dhaafiyey inta badan dadka ku sugan magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya.
Sida Maxkamada Shaacisay ciidamada Guriceel ayaa gacanta ku soo dhigay ninka dilka lagu fuliyey, kaas oo 9-kii bishaan November 2023 dil u geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa.
Dilka wiilkaasi ayaa waxaa ka gil gishay dadka Guriceel, kuwaas oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan falkaasi, waxaana iskaashigii la sameeyey uu suuragaliyey in dhagar qabaha la toogto ugu danbeyn maanta.