Monday, September 15

(Hortabin Media) – Kooxo hubeysan ayaa degmada Afgooye ku dilay nin si weyn magaalada looga yaqaanay, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabaas Osman Abshirow.

Ninkan la dilay oo ahaa oday da’ah ayaa ahaa darawal ku shaqeysta gawaarida raaxada ee loo yaqaan Taxi, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafada Fayuuma degmada Afgooye.

Kooxdii dilka geysatay, ayaa goobta isaga baxsatay, ka hor inta aanay ciidamada amaanka imaanin halka uu ka dhacay falka, iyagoo goobta ka sameeyey baaritaano aan cidna lagu soo qaban.

Lamo ogga sababaha rasmiga ee loo dilay ninka da’da ah, waxaana booliska Afgooye ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ay ku raadinayaan kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Inta badan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jira qaraxyo iyo dilal bareer ah, waxaana dadka uu khasaaraha ka soo gaaro ay u badan yihiin rayidka.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version