Sunday, September 14

Inta badan deegaanada maamulka Jubaland oo ay si daran u saameysay fatahaada iyo daadadka Elnino, ayaa waqtigan waxaa ku haray biyihii ka dhashay daadadkii Elninada.

Deegaanada badankood ayaa noqday goobo biyo fariisi ah, waxaana waqtigan digniino caafimaad laga bixinayaa halista biyahaasi.

Sida ay sheegayaan dhaqaatiirta biyahan oo uu udugoodu is baddelay, ayaa waxaa ka dhalan kara cuduro kala duwan, kuwaas oo caqabad hor leh ku noqda bulshada Jubaland.

Dhaqtar Axmed Maxamed Xuseen Cirro, oo ah agaasimaha isbitaallada Daryeel ee magaalada Kismaayo, ayaa ugu baaqay bulshada Jubaland in ay ka fogaadaan biyahaasi, kuwaas oo halis caafimaad horseedi kara.

Dhaqtarka ayaa waalidiinta u soo jeediyey in ay ubadkooda ka celiyaan biyahaasi, maaddaama deegaanada qaar lagu arkayo caruur ku dhex jirta biyihii ka haray daadadkii ku dhuftay Jubaland.

Exit mobile version