Friday, September 12

Waxaa magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil ka dhacay Mudaaharaad rabshado watay, waxaana gacan iskula tagay dadkii bannaanbaxa dhigayey iyo Booliska.

Dadka Bannaanbaxayey ayaa ka soo horjeeday dowladda Israa’iil, waxeyna dalbanayeen in dib loo soo celiyo lahaystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira kooxda Xamaas.

Dadka dibadbaxayey ayaa wata sawirada dumar askar ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo dhawaan muuqaalkooda ay soo bandhigeen Xamaas.

Bannaabaxyaaasha ayaa dowladda Israa’iil ka dalbanayey in ay dagaalka joojiso, isla markaana ay aqbasho wada hadalada, si xoriyadooda ay u helaan lahayestayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas.

Dagaalka 9-ka bilood socda waxaa Israa’iil looga dilay 1,200 oo Isra’iiliyiin ah, waxaana looga afduubtay 250 kale, taas oo walaac badan ku abuurtay ehelada dadka laheystayaasha ah, balse lama ogga in dowladda Israa’iil ay aqbaleyso codsiga shacabkeeda, oo iminka dalbanaya in dagaalka la joojiyo. 

Exit mobile version