Sunday, September 14

Dib u dhac aad u xooggan ayaa waqtigan hareeyey wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeeda Al Shabaab, kaas oo lagu waday inuu kal hore billawdo.

Wajiga labaad ee dagaalka ayaa la filayey inuu ka billawdo maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo ah meelaha ugu badan ee ay waqtigan gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Dib u dhacan ayaa lagu sababeynayaa culeyska siyaasadeed ee saaran maamulladaasi, kuwaas oo siyaasado is-diidan kala kulmaya qaar ka mid ah deegaanada ay maamullaan.

Hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa diidmo xooggan kala kulmaya siyaasiyiinta u dhalatay deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo doonaya inuu kursiga ka dago, halka meelo ka mid ah deegaanada maamulkana ay ka socdaan dagaal beeleedyo u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda.

Jubaland ayaa iyadun caddaadis adag kala kulmeysa xiisada ka taagan gobolka Gedo, halkaas oo siyaasiyiinta ka soo jeeda, aanay raalli ka ahayn xukunka uu mudadda dheer ku fadhiyo hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhamaan culeysyadan ayaa kaalin weyn ku yeelanaya dib u dhaca ballaaran ee hareeyey wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Exit mobile version