Thursday, February 5

Ka dib muddo ay socdeen wada-hadallo u dhexeeyay Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aan laga gaadhin heshiis loo dhan yahay, waxa uu maanta Komishanku ku dhawaaqay in uu doorashada ku qaban karo muddo 10 bilood ah oo ka bilaabmaysa 31-ka Meey, 2026, oo ah xilligii ay sharci ahaan muddeysnayd doorashadu.

Komishanka ayaa go’aankan ku sababeeyay heshiis la’aanta siyaasadeed, abaaro saameeyay deegaannada qaar iyo xaalado amni oo ka jira goobo gaar ah kuwaas oo dhammaantood ay sheegeen in ay caqabad ku noqonayaan u diyaargarowga doorashada.

Muranka doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada ayaa muddo soo taagnaa waxana la isku maandhaafsanaa qodobbo ay ka mid yihiin diinwaangalinta oo uu si adag ugu dhegganaa Xisbiga KAAH oo gebi ahaanba duray diiwaanka codbixiyeyaasha Somaliland oo uu ku sheegay mid aan la isku halleyn karin, in kaste oo uu sannad ka hor isagu ugu soo baxay xisbinimo.

Waxa hadda la filayaa in Goleha Guurtidu go’aan ka gaadhi doono muddo-kordhinta oo aan la hubin in ay raaci doonaan talada Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo in ay muddo u gaar ah kordhin doonaan, sidii hore looga bartay.

Madaxweyneha Somaliland ayaa hore u ballanqaaday in uu doorashooyinka ku qabanayo muddadooda sharci waxana la eegi doonaa sida uu Madaxweyne Cirro u maareeyo caqabadahan ay sheegeen Komishanku iyo tallaabada laga filayo dhanka Goleha Guurtida Somaliland

Exit mobile version