Saacadihii la soo dhaafay waxaa kordhay tirada dadka ku geeriyooday daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka deyrta.
Ilaa iyo iminka inta la ogyahay 50 ruux ayey mareysaa dhimashada, halka markii hore ay ahayd 31 ruux, sida ay xaqiijisay hay’ada maareynta masiibooyinka.
Dhanka kale waxaa isi soo taraya dadka ay saameynta ku yeelanayaan daadadka iyo fatahaadaha, waxaana kordhay dadka guryahooda uga barakacaya arrintan.
Meelaha ugu daran ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen waxaa ka mid ah gobolka Gedo, halkaas oo dhamaan magaalooyinka ay buux dhaafiyeen daadad ku soo rogmaday, kadib markii uu fatahay webiga Juba.
Waxaa sidoo kale xaalad halis ah wajahay dadka ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo si daran u saameysay fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle.