Thursday, September 11

Dagaalada ka socda gobolka Amxaarada Bahir Dar ee Itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20-qof oo gaajo uga geeriyoodeen, Xilli abaaro ba’an ay ka jiraan gobolka, waxaana xirmay goobaha waxbarashada.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaar ba’an ay ka jirto oo saameeysay guud ahaan gobolka, waxa ay sababtay dhimashada 18 qof oo gaajo ugu geeriyooday degmooyinka Sehala iyo Janamora ee gobolka Amxaraada, sida ay qortay warbaahinta Addis-Standard.

In ka badan 2.6 milyan oo arday ayaa waxbarasho la’aan ah iyadoo 3,000 oo dugsi oo ku yaala guud ahaan gobolka Amxaarada ay weli xiranyihiin sababa la xiriira walaaca amni ee sababay dagaalada daba dheeraaday ee u dhaxeeya Ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Fano ee gobolka Amxaarada.

Iyadoo uu wali socdo dagaalka jabhadda Fano iyo ciidamada dowladda itoobiya, ayaa maamulka Abiy Ahmed waxa lagu eedeynaya in uu xasuuq ka geystay gobolka Amxaarada.

Exit mobile version