Saturday, September 13

Qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, waxaa ku dagaallamaya beelo Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwaas oo dhibaato xooggan isku geysanaya.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ka dhalanaya dagaal beeleedyadan ayaa kordhaya, waana kuwo xitaa iska gubaya aqallada.

Meelaha ugu badan ee ay iminka ka socdaan dagaal beeleedyada ayaa waxaa ka mid ah, deegaanno hoostaga maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxyaabaha rasmiga ee ay dadkan isku hayaan, ayaa ah arrimo aan lahayn muhiimad weyn, waxaase jirta in beelaha qaar dagaalkooda uu soo jiitamayey sanado fara badan.

Waxaa aad u liita, isla markaana xaaladda sii adkeyneysa doorka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada kaga aaddan xalinta colaadahan u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, welina ma jirta cid u istaagtay baajinta dhiigga daadanaya.

Exit mobile version