Friday, September 12

Waxaa maalintii shalay ahayd dunida laga xusay maalinta biyaha adduunka, xilli Soomaali badan ay hareysay dhibaato biyo la’aan ah, taas oo aad u baahsan.

Meelaha ugu daran ee ay ka jirti biyo la’aanta ayaa laga xusi karaa xeryaha Barakacayaasha ah, halkaas oo ay ku dayacan yihiin qoysas ka soo barakacay gobolada dalka qaarkood.

Qoysaskan ayey ku adag tahay helida biyaha, waxaana jirkaanka biyaha laga siiyaa 2-kun oo shilinka Soomaaliga, taas oo aysan awoodin.

Qoysaskan oo xilliyo kala duwan soo gaaray duleedka Muqdisho, ayaanan heysan gargaar rasmi ah, kaas oo wax ka baddalaya noloshooda, waana kuwo jooga quus oo ka rajo dhigay nolosha.

Biyaha oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha aadanaha ayey doonayaan in helistooda laga caawiyo, isla markaana loo qodo ceelal ay biyaha ka aroortaan, balse weli ma muuqato cid u dhaga nugul codsiyadooda.

Exit mobile version