Monday, September 15

(Hortabin Media) – Xalay waxaa magaalada Gaalkacyo aanno qabiil loogu dilay dhaqtar lagu magacaabo Sakariye Cabdi Jaamac, kaas oo ay dileen rag ku hubeysan qoryo noocoodu yahay AK47.

Dhaqtarka ayaa lagu dilay gudaha Isbitalka Al Xarameyn oo uu ka howlgali jiray, waxaana dilkiisa lala xiriiriyey arrimo ku qotomo aanno qabiil.

Sakariye oo ahaa nin dhallinyaro ah, isla markaana fir fircoon, ayuu dilkiisa taabtay dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo aqoon durugsan u lahaa dhaqtarka.

Baraha Bulshada ee ay Soomaalidu ku xiriirto, ayaa dilka dhaqtarka iyana si aad ah loogu falanqeeyey, waxaana u tacsiyeey dad badan oo ay asaxaab dhaw ahaayeen.

Gudaha Soomaaliya, dilalka la xiriira aannoyinka qabiil ayaa inta badan saameeya dadka wax galka u ah bulshada, taas oo ah arrin xanuun badan oo laga gilgisho.

Dilka dhaqtarkan bulshada u adeegayey ayaa muujinaya in Soomaalida aanay weli fahmin nuxurka iyo qiimaha haldoorka bulshada, taas oo ah tallaabo uurkutaallo leh, oo mudan dhaleeceyn.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version